Wasiirka AMNIGA oo beeniyay arrin ay Saxaafada ka qortay (Xaqiiqda Warka)

Muqdisho (Caasimada Online)-Warbaahinta madaxabanaan ayaa qortay in mas’uuliyiintii maanta ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay afafka Hore ee Villa Somalia uu dhaawac culus kasoo gaaray Wasiirka amniga Qaranka Somalia Cabdirisaaq Cumar.

Wasiirka Amniga oo qoraal kooban kusoo daabacay bartiisa Twetter-ka ayaa sheegay inuu yahay shaqsi badqaba, waxa uuna beeniyay in xiliga uu Qaraxa dhacaayay ku sugnaa Hoteel SYL oo ah halka uu Qaraxa ka dhacay.

Wasiirku waxa uu sheegay in Qaraxa uu ahaa mid dhibaato badan geystay, hayeeshee xiligaasi uusan ku sugneyn goobta Qaraxa.

Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in xiliga Qaraxa uu dhacaayay Wasiir C/risaaq iyo Taliyaha Booliska Xaamud ay barxada Hoteel SYL kula hadlayeen Saxaafada, iyadoo halkaasi uu dhaawac kasoo gaaray weriyayaashii duubaayay kulanka Wasiirka.

Weriyayaasha ayaa xiliga Qaraxa su’aalo ku saabsan amniga wax ka weydiinaayay Wasiir C/risaaq, waxaana inta uu ka jawaabaayay su’aalaha halkaasi ka dhacay Qaraxa.

Ilaalada Wasiir C/risaaq oo xiliga Qaraxa ku sugnaa afafka hore ee Hoteelka ayaa Qaraxa kadib u dhaqaaqay halka uu ku sugnaa Wasiirka waxa ayna juhdi kadib ku guuleysteen in Hoteelka ay ka saaraan Wasiir C/risaaq oo qaba dhaawac aad u fudud.

Beeninta Wasiir C/risaaq ayaa u muuqaneysa mid xal looga dhigaayo saameynta Qaraxa, maadaama ay jab noqoneyso in weerar Argagixiso uu dhaawac kasoo gaaro Wasiirkii lahaa ka hortaga weerarada Argagixiso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com