Daawo Sawirada: Sida dadka dhaawaca ah looga soo hoos saarayo dhismooyinka Qaraxa ku dumay

Muqdisho (Caasimada Online)-Saraakiisha Caafimaadka Isbitaalada Muqdisho ayaa sheegay inay korortay dhimashada dadkii maanta ku waxyeeloobmay Qaraxii ka dhacay afafka hore ee madaxtooyada Somalia.

Saraakiishu waxa ay sheegen in geeridu ay iminka mareyso ilaa 24, halka dhaawacuna uu gaarsiisan yahay 67 kuwaasi oo u badnaa mas’uuliyiin, Saraakiil iyo dad shacab ah.

Dhaawacyada ugu badan ayaa ka dhashay dhismooyinka kusoo dumay dadka, halka dadka qaar ay haleeleen birihii ka faniinay gaariga Qaraxyada laga soo buuxiyay.

Saraakiishu waxa ay sheegen in dhaawacyada badankooda ay ahaayen kuwo madaxa ay wax kasoo gaaren kuwaasi oo qaarkood ay ku dul burbureen dhismooyin, halka qaarkoodna ay madaxa ka jajabiyeen muraayadaha gaadiidka ay la socdeen xiliga Qaraxa uu dhacaayay.

Dadka qaar ayaa dhaawacyo dhiigbax leh u dhintay, halka qaarna ay iminka buux dhaafiyeen goobaha caafimaadka.

Dowlada Somalia ayaa sheegtay in Qaraxaasi uu ahaa mid loogu bareeray in lagu gumaado umadda Soomaaliyeed ee iminka ka tashaneysa aayahooda.
Qarax 1

Qarax 2

Qarax 3

Qarax 4

Qarax 5

Qarax 6

Qarax 7
Qarax 1

Qarax 2

Qarax 3

Qarax 4

Qarax 5