Xog dheeri oo kasoo baxaysa qaraxii SYL + Tirada dhimashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hoteel SYL ee magaalada Muqdisho.

Gaariga lagu fuliyay weerarka ayaa la sheegay inuu ahaa Gaari nooca loo yaqaan Yuudhii, kaasi oo weerarka ka hor ay rasaaseeyen ciidamada dowlada kuwa ku sugan agagaarka Madaxtooyada Somalia.

Weerarka ayaa waxaa ku dhintay inkabadan 20 Ruux oo isugu jira mas’uuliyiin, Saraakiil, Ciidamo iyo dad shacab ah.

Weerarka xiliga uu dhacaayay ayaa waxaa Hoteel SYL ka socday laba shir oo mid kamid ah ay lahaayen Xildhibaano ka tirsan BFS, halka shirka labaad uu ahaa mid guud oo ay marti ku ahaayen Wasiiro ka tirsan dowlada.

Goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxaa Saxaafada kula hadlaayay Wasiirka Amniga Qaranka iyo Taliyaha Booliska, waxaana sidoo kale halkaasi ku sugnaa Saxafiyiin badan oo uu dhaawac kasoo gaaray kuwaasi oo gaaraya ilaa Sagaal Saxafiyiin.

Dadka ku dhintay weerarka ayaa waxaa kamid ahaa Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada oo aan wali la shaacin magacyadooda.

Sargaal ka tirsan laamaha amaanka DFS, ayaa sheegay in dhaawaca uu gaaray ilaa 55 kuwaasi oo ay u badan yihiin mas’uuliyiin ka tirsanaa DFS.

Dhaawacyada ayaa waxaa la kala dhigay Isbitaalada UMA, Daarushifa, Madiina iyo Isbitaalo kale oo aan sidaa uga sii fogeyn Madaxtooyada Somalia.

DFS weli kama aysan hadal khasaaraha mas’uuliyiinteeda kasoo gaaray Qaraxa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com