28.9 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

Marka la eego dastuurka, R/W Saacid iyo Xasan Sheekh yaa gar leh + COD

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Abuukaate C/risaaq Xasan Nuur,  wuxuu ka mid yahay aqoon yahanada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa sida aadka ah u yaqaana dastuurka Somalia waxbaahinta ayuu uga waramay qilaafka Madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha iyo waxa uu ka qabo dastuurka Somalia.

Wuxuu sheegay in Madaxweynaha Somaliya uusan awood u leheen in Ra’isul wasaraha uu ku amro inuu isaga wax kasoo dhiso wasiirada cusub ama uu ku cadaadiyo inuu isaga  dego Xilka ra’isul wasaaraha .

” Ra’isul wasaaraha xaq wuxuu u leeyahay in uu soo dhiso xubnaha matalaya xukuumadiisa  kadibna uu baarlamaanka u gudbiyo si ay go’aan uga gaaraan madaxweynaha anigu ma aqaan meel ay dastuurka uga qorantahay hala marsiiyo” ayuu yiri Abuukaaste C/risaaq.

Wuxuu sheegay in ra’isul wasaaraaha iyo madaxweynaha Somalia ay qaab saaxiibnimo ah uga wada hadli karaan xubnaha wasiirada cusub ee lasoo dhisayo balse wuxuu meesha ka saaray in madaxweynuhu uu awood u leeyahay inuu cadaadiyo ra’isul wasaraha .

Hadii ay labada mas’uul ay isqabtaan isla markaana uu khilaaf soo kala dhexgalo ayuu sheegay in xildhibaanda baarlamaanka laga doonayo inay codka kalsoonida siiyaan ama ay u diidaan ra’isul wasaaraha si khilaafka xal looga gaaro.

Abuukaate C/risaaq, ayaa weerar afka ah ku qaaday wasiirkii hore ee dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil iminkana ah mudane ka tirsan baarlamaanka Somalia  isagoo ku eedeeyay inuu sameeyay eexasho waxaana sidoo kale uu ku tilmaamay qof iska indho tiraya marxalada jirta.

Wuxuu sheegay in baarlamaanku ay yihiin garsoorayaal u taagan kiisaska nuucani ah wax kaqabashadooda balse wuxuu sheegay in Xoosh iyadoo aan arinta lagu soo wareejinba uu mowqifkiisa sii cadeeyay taasina wuxuu ku tilmaamay mid niyad jab ah .
” Waa wax lala yaabo waxa iminka dalka ka dhacaya inkastoo aysan sharci aheyn in madaxweyne uu ra’isul wasaare ku amro inuu is casilo waxaaaba arintaasi kasii daran wasiiro dhahaya ra’isul wasaare is casil ama cadaadis ayaan ku saareyna waxay u dhigantaa taas ra’isul wasaare madaxweynaha ku dhahaya madaxweyne xilka  ka deg ama waan kugu cadadinayaa .

Ugu dambeyn wuxuu talo ahaan usoo jeediyay in xiisada iminka taagan in qaab hoose loo dhaqo isagoo sheegay inay qadan karto waqti inta lasoo dhisayo xukuumad cusub sidaasi dateedna wuxuu dalbaday in xukuumada iminka jirtaa la taageero si howsheeda ay usii wadato.

” Anagu hadii aan Somali nahay waan is naqaanaa hadii xukuumadan maanta la rido inta xukuumad kale lasoo dhisayo waxay qaadaneysaa lix bilood labo ka mid ah waxaa qaadaneysa hebel wasiir halaga dhigo iyo malaga dhigayo ma isagaa reer hebel ah xaqba uma laha” ayii yiri abuukaate C/risaaq.

Xildhibaano uu ka mid ayahy Xildhibaan C/ramaan Xoosh Jibriil horana usoo noqday wasiirka dastuurka dalka ayaa sheegay in ra’isul wasaaraha ay aheyd inuu mar hore u hogaansamo amarka madaxweynaha dalka.

Halkaan hoose ka dhageyso Abuukaate C/risaaq Xasan nuur

Abuukaate c rissaq xasan nuur

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News