26.5 C
Mogadishu
Saturday, July 19, 2025

PUNTLAND: Ma qaabili karno wufuuda ka socota DF Somalia xilligan, Sabab?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) Maamulka Puntland Puntland ayaa sheegay in xilligan aysan diyaar u ahayn siddii ay ku qaabili lahaayeen wafuud ka imaaneysa Dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Wasiirka Qorshaynta Maamulka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, oo xaley shir jaraa’id saxaafadda u qabtay ayaa sheegay in Puntland ay hadda ku mashquul santahay siddii loo caawin lahaa dadkii wax ku noqday dabeylaha roobabka wata ee ku dhuftay Gobalada Barri iyo Nugaal ee dalka Soomaaliya.

Wasiirku waxa uu sheegay inay soo dhoweynayaan cid kasta oo kala qayb qaadaneysa caawinada loo finaayo dadkii ku wax yeeloobay dabeylaha iyo roobabka xooggan.

Wuxuu dowladda fedaraalka uu si gaar ah uga mahadceliyay deeqda ay ugu yabooheen isagoo ka codsaday in dhaqaalahaas lagu soo wareejiyo guddi loo saaray arrintaas.

Dhinaca kale, Puntland ayaa ka digtay dabeylo iyo roobab hore oo ku soo fooleh deegannada Puntland, waxaana meelaha laga digay ka mid ah Gaalkacyo, Garoowe.

Maanta oo Jimco waxaa la filayaa in Puntland ay gaaraan deeqihii ugu horeeyay oo loogu talagalay dadka ku wax yeeloobay dabeylaha iyo duufanta ku dhufutay Puntland, deeqahan ayaa ka imaanaya Djibouti iyo Ethiopia.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News