Marwada Mugabe oo saadaalisay afganbi ku soo fool leh Zimbabwe

Muqdisho (Caasimada Online) – Marwada koowaad ee dalka Zimbabwe Grace Mugabe ayaa digniin kasoo saartay suuragalnimada in afganbi uu ka dhaco dalka Zimbabwe.

Grace Mugabe, ayaa sheegtay inay sii kordheyso rajooyinka ay mucaaradka ka qabaan inay xukumaan Zimbabwe.

Marwada koowaad ayaa tibaaxday inuu jiro saansaan muujineysa in kooxaha kasoo horjeeda dowlada ay wadaan abaabul ka dhan ah dowlada Mugabe.

Grace Mugabe, waxa ay sheegtay in Madaxweyne ku-xigeenka dalkaasi Emmerson Mnangagwa uu u hanjabayo dadka aan teegeerin in uu isagu badalo madaxwayne Robert Mugabe oo 93 jir ah.

Grace ayaa intaa raacisay in Madaxweyne ku-xigeenka Mr Emmerson Mnangagwa uu u muuqdo mid afganbi la damacsan Robert Mugabe oo sanado badan hayay xilka.

Marwada koowaad Mrs Grace Mugabe ayaa shaqsi ahaanteeda ka mid ah dadka u xusulduubaya in ay badalaan Mugabe.

Loollanka loogu jiro cidda badalaysa madaxwayne Robert Mugabe ayaa waxa ku kala qaybsamay xubnaha xisbiga talada dalkaasi haya ee Zanu-PF.

Sidoo kale, murankan cusub ayaa imaanaya ka dib markii Mr Mnangagwa uu ku andacooday bishii August in la sumeeyay.

Dhinaca kale, muran siyaasadeedkan ayaa muujinaaya in dalka Zimbabwe uu marti galinaayo colaado Siyaasadeed aan aakhirkii loo heli doonin dawo.

Caasimada Online
Xafiiska Nairoibi 
Caasimada@live.com