Marwo Fowsiyo oo xilka wareejisay

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa goordhow lagu soo gabagabeeyay xarunta wasaarada arrimaha dibedda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, xaflad ay xilalka ku kala wareegayeen wasiirkii horre ee arrimaha dibedda iyo wasiirka cusub.

Xafladda oo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo shaqaalaha wasaaradda, waxaa ugu horreyn ka hadlay wasiirkii horre ee arrimaha dibedda Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, waxa ay ka warbixisay muddada ay heysay xilka iyo wax yaabaha u qabsoomay.

Waxa ay sheegtay wasaaradeeda in ay ku guuleesatay markii ugu horreysay in Soomaali ku dhibaateesan dalka Koonfurta Sudan ay soo daad gureysay.

Marwo Fowsiyo ayaa wasiirka cusub u rajeesay in uu sii hor mariyo wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.

Intaas kaddib, waxaa munaasabada ka hadlay wasiirka cusub ee arrimaha iyo iskaashiga caalamiga Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, kaasoo sheegay in uu aad u mahad celinaayo Marwo Fowsiyo wax yaabaha muhiim ah qabatay intii ay xilka heysay, waliba iyadoo haween ah.

Wuxuu sheegay in uu la imaan doono wax qabad muhiim ah oo wax lagu horrumarinaayo wasaaradda.

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay oo xilka wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya qabato, waxaana ay ka mid ah ahayd wasiiradii ugu shaqada fiicnaa xukuumadii horre ee Saacid.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com