Maryan Muuse: Aniga oo orodka koowaad kaga jira ayaa la iga hormariyay gabdho gaadiid la saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Maryan Nuux Muuse oo ah orodyahan Soomaaliya ku matashay orodo caalamka ka dhacay ayaa walaac ka muujisay musuq maasuq lagu sameyn rabay maanta.

Maryan oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in la isku dayay in laga musuq maasuqo kaalinta Koowaad oo ay ka gashay tartankii Gabdhaha ee Orodka ahaa oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxay sheegtay inay kaalinta koowaad ku jirtay waqti badan, balse markii ay kusoo dhawaatay barta dhamaadka orodka lagu wargeliyay inay labo gabdhood kaga soo horeeyeen goobta tartanka.

Waxay sheegtay inay la yaab ku noqotay markii sheekada lagu wargeliyay, balse ay qeylo dhaan badan muujisay.

Ugu dambeyn ayay sheegtay inay u cadaatay in labada gabdhood ee lagu wargeliyay ay kasoo hormareen in gaadiid lagu soo qaaday.

Waxayna sheegtay in buuq badan kadib guddiga tartanka ay u aqoonsadeen inay iyada tahay qofta gashay kaalinta koowaad ee tartanka.

Hoos ka daawo Muuqaalka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com