30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 6, 2026

Masaajid ku yaala Somalia oo la xiray kadib markii laga dhex helay Coronavirus

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Masjidka Xareed Yaroow oo kamid ah Masaajida ugu waaweyn dalka, gaar ahaan magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa maanta gebi ahaanba lagu tukan salaadii Jimcaha, kadib markii la xiray masjidka.

Culimada gacanta ku haysa maamulka masjidka Xareed Yaroow ayaa isla qaatay in masjidka la xiro, sababa la xiriira cudurka faafa ee Coronavirus/Covid-19 oo si weyna ugu sii fidaya gudaha dalka.

Waxaana dhowaan cudurka Coronaha laga helay qof kamid ah jameecada masaajidkaasi ku tukan jiray, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah Culimada maamulka masjidkaasi, midaasi oo u horseeday inay culimadu qaatan go’aanka xirista masaajidka.

Masjidka Xareed Yaroow ayaa noqonaya masjidkii u horeeyay ee gudaha Soomaaliya la xiro, tan iyo intii uu dalka ka bilwoday cudurka safmarka ah ee Coronavirus, oo hadda kusii fidiya dhamaan gobolada dalka.

Dowladda federaalka ayaa hore go’aan uga qaadatay xirista masaajida, inkasta oo uu ka dhashay guux badan oo laalay go’aankii dowladda, waxaana hadda sarre usii kacaya cabsida laga qabo in gudaha masaajida uu ku faafo cudurkaasi, maadama ay dad badan iskugu yimaadan.

- Advertisement -

Read more

Local News