Masar: Madaxweyne Xusni Mubaarak oo geeriyooday

Qaahira (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Masar Xusni Mubarak ayaa goor dhaw geeriyooday isaga oo ahaa 91-sano jir, waxaa sidaas weriyey talefishinka dowladda Masar.

Xusni Mubaarak ayaa waxa uu Masar xukumayey muddo 30-sano ah ka hor inta aan xukunka looga tuurin dibad-baxyo waaweyn oo gil-gilay dalka Masar sanadkii 2011-kii.

Waxa uu xabsi ku jira sanado kadib kacdoonkii lagu riday, hase yeeshee waxaa lasii daayey sanadkii 2017-kii, kadib markii lagu waayey inta badan dacwadihii loo heystay.

Mubaraak wuxuu soo noqday madaxweynaha Afraad ee Masar laga soo bilaabo 1981 ilaa xukunka laga tuuray waxa loogu magac daray kacaankii gugii carabta.

Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubarak ayaa dhowaanahan ku jiray isbitaal ku yaalla magaalada Qaahira ee dalkaas Masar, waxaana lagu sameeyay qaliino dhowr ah, ka hor inta uusan geeriyoon maanta oo Talaado a.

Xusni  ayaa argagax galiyay Masriyiin badan, oo kumanaan ah, kuwaa oo lagu daadiyay bartamaha Qaahira si ay u muujiyaan cadhadooda ka dhanka ah Maxkamada.