25.9 C
Mogadishu
Tuesday, February 24, 2026

Masar oo Itoobiya ka taageeraysa helista marin badeed haddii Addis ay aqbasho…

Bookmark
Bookmarked

Share

Qaahira (Caasimada Online) – Masar ayaa muujisay inay diyaar u tahay inay dalalka Afrika kala shaqeyso sidii Itoobiya looga caawin lahaa helitaanka marin ay ku gaarto Badda Cas.

Qaahira ayaa shuruud uga dhigtay arrintaan haddii Addis Ababa ay qaadato mowqif dabacsan oo ku saabsan muranka biyaha. Ilo ku sugan Qaahira oo xog-ogaal u ah wada-hadallada qarsoodiga ah ayaa arrintan u xaqiijiyay wargeyska The National.

Hindisahan ayaa la sheegay in toddobaadkii hore loo gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Waxaa sidoo kale lala wadaagay Washington, halkaas oo Madaxweyne Donald Trump uu ku dhawaaqay inuu dhex-dhexaadin ka samaynayo khilaafka daba-dheeraaday ee la xiriira saamiga biyaha Niilka, kadib dhismaha biyo-xireenka weyn ee Itoobiya ka sameysay Niilka buluugga ah.

Qorshaha Masar waxa ku lifaaqan fariin aan si cad loo shaacin oo muujinaysa in Qaahira ay adeegsan karto saameynta siyaasadeed iyo milatari ee ay ku leedahay Suudaan, Soomaaliya iyo Jabuuti, iyo sidoo kale joogitaankeeda xooggan ee ciidan badeed ee koonfurta Badda Cas, si ay uga hortagto in Itoobiya dekedo ka hesho dalalkaas haddii ay diido shuruudaha la hor dhigay.

Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi ayaa dhankiisa soo dhaweeyay hindisaha Trump ee ku aaddan dhex-dhexaadinta muranka biyaha ee u dhexeeya Masar iyo Itoobiya.

Inkasta oo aanay jirin hadal rasmi ah oo ka soo baxay Addis Ababa ama Qaahira, Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa shir jaraa’id oo uu la qaatay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, xilli uu ku sugnaa Addis Ababa ku adkeeyay baahida weyn ee dalkiisu u qabo marin badeed.

“Ma jiri karto koboc waara haddii dal ka badan 130 milyan oo qof uu noqdo mid juqraafi ahaan ku xanniban oo laga hor istaago marin uu bad ku gaaro,” ayuu yiri Abiy.

Hindisaha Masar ayaa soo baxay iyadoo Ankara iyo Qaahira ay si xawli ah u xoojinayaan xiriirkooda, iskaashi saamayn ku yeeshay xaaladda Suudaan, halkaas oo ay ku taageeraan Ciidanka Suudaan dagaalka ay kula jiraan RSF. Labada dal waxay sidoo kale xiriir dhow la leeyihiin Soomaaliya, oo khillaaf badda ah uu dhexmaray Itoobiya.

Masar oo ay ku nool yihiin in ka badan 108 milyan oo qof, isla markaana ka mid ah waddamada ugu qalalan dunida, ayaa u aragtaa biyo-xireenka weyn ee Itoobiya (GERD) mid khatar ku ah jiritaankeeda mustaqbalka.

Muddo dheer ayay ku dadaalaysay in la gaaro heshiis sharci ah oo qeexaya habka loo maamulayo biyo-xireenka si loo sugo qaybin caddaalad ah, gaar ahaan xilliyada abaarta daba dheeraata.

- Advertisement -

Read more

Local News