Masar oo sii shide xiisada ka dhex aloosan wadamada Khaliijka kadib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Masar ayaa shaaca ka qaaday inay adkaan doonto midow dhexmara xulafada Sacuudiga iyo dowlada Qadar oo siyaasad ahaan kala fog.

Masar waxa ay sheegtay in dowlada Qadar ay ka meermeereyso shuruudaha ilaa iyo iminka horyaal, balse mowqifka xulafada uu yahay mid muuqda oo aan ka laabasho laheyn.

Saamix Shukri, oo ah Wasiirka arimaha dibadda Masar, oo u muuqda mid sii ololinaaya xiisada ayaa sheegay in xiisadda lagu soo af jari karo oo keliya hadii ay Dooxa fuliso shuruudaha ay soo bandhigeen Masar, Sucuudiga, Imaaraad-ka iyo Baxrayn.

Saamix Shukri, waxa uu intaa raaciyay in qorshaha degan uu yahay inaan laga libaqsan shuruudaha 13ka ah ee loo qeexay dowlada Qadar oo iyadu ku eedeysan maalgalinta Kooxaha Argagixisada ah.

Wasiir Saamix Shukri, ayaa tilmaamay in afartaa dal ay diyaar u yihiin in ay wada hadal la galaan Qadar hadii ay dhamaan fuliso shuruudaas loo soo gudbiyey ee ah “la dagaalanka argagixisada iyo in ay gobolka ka joojiso siyaasadaheeda duminta ah”.

Sidoo kale, waxa uu Saamix Shukri farta ku goday inaanu jiri doonin isbedel ay sameeyan dalalka ku mideysan Isbaheysiga inta ay Qadar ka saxiixeyso fulinta shuruudaha la hordhigay.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Qadar ayaa arrin lala yaabo ku sheegtay in xulafada Sacuudiga ay xujo uga dhigaan fulinta shuruudo lagu sheegay mid la doonaayo in lagu gumeysto Qadar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com