“Muxuu yahay sharciga aan qaaban Murusade iyo Mareexaan ee qabta Habar-gidir” Waxaa yiri….

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Cabdi Guure Cali oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Gobolada Dhexe, ayaa si kulul kaga hadlay xukunka dilka ahi ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ku riday ninkii askariga ah, ee loo haystay dilka Wasiirkii Hawlaha Guud, Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, Liibaan Cali Yarow, ayaa sheegay in Dable Axmed C/laahi Cabdi (Caydiid) uu si bareer ah u dilay marxuum Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji, isagoo taasi qiil uga dhigay inuu ku dilay agagaarka Xarunta Madaxtooyada Somaliya, oo sida uu muujiyay aanay weeraro ka gaysan karin kooxaha ka soo horjeeda dowladda.

Nabadoon Cabdi Guure Cali oo arrintaasi ka hadlayay, ayaa yiri “Liibaan Cali Yarow waa nin ay ku shaqaysanayan labada nin ee dalka ugu sareysa, wixii ay amraan ayuuna ku dhaqaaqaa. Nin dhalinyaro ah oo mooto bajaajka ku shaqaysan jiray, ayay ilaalada Xildhibaan C/weli Maxamed Qanyare Afrax ku dileen Wadada Maka Al Mukarama, welibana si bareer ah ayay u dileen. Ma maqasheen Maxkamadda Ciidamada oo cadaaladda horkeentay ilaalada Ina Qanyare? Dabcan waa maya. Qoyskii uu ka baxay marxuumka waxaad arkaysaa iyagoo markasta warbaahinta kaga cabanaya cadaalad-darrada lagu sameeyay. Sharci ma qabto, maxaa yeelay Khayre ayay ku jufo yihiin.”

Wuxuu soo hadalqaaday dhibaatooyin Magaalada Muqdisho loogu gaystay dad ka soo jeeda Beesha Habargidir, waxaana uu yiri “Darawalka madaxweynaha gaari ayuu Madaxtooyada agteeda ku jiirsiiyay Tahliil Jimcaale Hubane oo ka tirsanaa Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta. Maxay Maxkamadda Ciidamada sharciga ugu qaadi weyday? \ Tahliil Jimcaale Hubane qoyskiisa ayaa noogu waramay inay af gaal iyo mid Muslimba ka waayeen dowladda. Ninka wax dilay Maxkamadda ku wareeji, waad diiday soo maaha? Magdhow sii qoyska dhibanaha. Labadaba waa laga la’yahay.”

Nabadoon Cabdi Guure, ayaa yiri “Ninkii darawalka u ahaa Taliyihii hore ee Nabad Suggida, Gaafow ayaa si ula kac ah u dilay Agaasime Maxkamadeed, dil laguma xukuminee ee 90 kun oo dollar ayuu Khayre ka bixiyay. Nin askari ah oo Xooggii Dalka ka tirsan, ilaalana u ahaa masuul qaran baa si aan ku talagal ahayn u dilay nin Wasiir ah, isagoo suggaya amniga masuulkii uu ilaalada u ahaa, dil baana lagu xukumay. Bal ka warama cadaaladaas xagee caalamka ka jirtaa? Waxaa kaaga sii yaab badan qoyskii Wasiir Cabaas waa naloo diiday inaan wada hadal iyo is afgarasho ku xalino dhibkii gaaray.”

Nabadoon Guure, ayaa madaxda dowladda ku eedeeyay in ay ku tunteen sharciga.

“Waxaa noo cadaatay Madaxda Dowladda inay jebiyeen sharcigii oo hadba sida ay doonaan ka yeela. Cid kasta waxay aragtaa inuusan sharci qabanin kuwa ku qabiilka ah madaxda dowladda. Sharciga aan Mareexaan iyo Murusade qaban ee Habargidir qabta, Farmaajo iyo Khayre ayaa wax laga weydiin doonnaa, Soomaali oo dhana way idin aragtaa in qabiil naceyb idinku jiro. Haddii aad dishaan Dable Caydiid tiisa ayaa gashay, laakiin waxaad soo cusbooneysiiseen nabar ay Soomaali muddo dheer booga dhayid ku waday.” Ayuu yiri Nabadoon Guure.

Guure, ayaa Madaxda Dowladda ugu baaqay in dalka uu dhibaatada kaga gudbi karo Madaxda Qaranka oo biseyl iyo rabitaan shacbiba u muujisa bulshada, haddii kalana ay ku fashilmi doonaan in qaranka ku hogaamiyan dhabaha saxda ahi.

“Marka dal sida Somaliya oo kale aad madax ka tahay waxaa lagaa rabaa umadda inaad isku soo uruuriso, cadaaladna ku dhaqdaa, taasi bedelkeed haddii aad nin jecleysi samayso, taariikhda baal madow ayaad ka geli doontaa.” Sidaasi waxaa yiri Nabadoon Cabdi Guure Cali.