Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty ayaa muujiyay walaaca dowladda Masar ka qabto xaaladda amni ee weli ka jirta Soomaaliya, gaar ahaan khatarta amni ee ka imaanaysa kooxaha argagixisada, sida Al-Shabaab.
Wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in si nidaamsan oo deg-deg ah loogu guuro AUSSOM, si loo ilaaliyo guulihii laga gaaray amniga loogana hortago firaaq amni oo ay kooxuhu ka faa’iideystaan.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa adkeeyay in howl-galka cusub ee AUSSOM uu u baahan yahay maalgelin joogto ah si uu u fuli karo waajibaadkiisa, loona xaqiijiyo in guulaha laga gaaray amniga aysan dib u dhicin.
Wuxuu sheegay in haddii aan la helin taageerada dhaqaale ee loo baahan yahay, ay taasi curyaamin doonto awoodda AUSSOM, taasoo saameyn xun ku yeelan karta nabadda gobolka Geeska Afrika iyo caalamkaba.
Wasiirka ayaa si gaar ah u tilmaamay in xaaladdu ay halis gelin karto ganacsiga badda ee caalamiga ah, isla markaana ay kor u qaadi karto khatarta argagixisada haddii aan si buuxda loo taageerin qorshaha amni ee cusub.
Wasiirka oo ka qeyb-galayay kulanka Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ee heer wasiir oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga ayuu Wasiirka wuxuu muujiyay taageerada buuxda ee Masar ay u hayso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, midnimada, xasilloonida, iyo wadajirka dhuleed ee dalka.
Wuxuu sidoo kale uga mahad-celiyay Dowladda Federaalka dadaalka ay ku bixisay sugidda amniga iyo dhisidda hay’adaha dowliga ah, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo lagu xaqiijinayo xasiloonida iyo dowlad wanaagga.
Ugu dambeyntii, Wasiirka ayaa ku cel-celiyay in Masar ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, ayna diyaar u tahay in ay ka qeyb qaadato xoojinta awoodda hay’adaha amniga si mas’uuliyadda amni loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliyeed si tartiib tartiib ah.

