MASAR oo xog ka bixisay wadahadallo cusub oo dhex maray Sisi iyo Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa boggeeda Twitter-ka ku baahisay in madaxweyne Xasan Sheekh uu khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Masar Cabdifitaax Al-Sisi. 

Qoraalka ayaa lagu sheegay in labada madaxweyne ay ka hadleen arrimaha xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga soo jireenka ah ee Masar iyo Somalia.

Jariidada Ahram ayaa sidoo kale baahisay qodobada labada madaxweyne ay ka wada hadleen, iyadoo sidoo kale madaxtooyada Masar ay sheegtay in Cabdifitaax Al-Sisi uu kala hadlay dhiggiisa Soomaaliya caqabadaha kala duwan ee uu wajahayo dalka ku yaalla Geeska Afrika, oo ay ugu weyn tahay argagixisada.

Madaxweynaha Masar ayaa u sheegay dhiggiisa Xasan Sheekh in Masar diyaar u tahay in ay sii waddo taageerada dadaallada ay Soomaaliya ugu jirto dhismaha iyo joogtaynta hay’adaha dowliga ah, sare u qaaddista iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan heerka ganacsiga iyo dhaqaalaha, iyo sidoo kale inay tababarto kaadiriinta farsamada Soomaaliya iyo sida ay Masar ugu faraxsan tahay xiriirka taariikhiga ah ee ay la leedahay Soomaaliya.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in Masar ay sidoo kale muujisay sida ay u jeceshahay in la helo Soomaaliya mideysan oo xooggan, xasiloon taasoo si wanaagsan ugu adeegeysa danaha dadkeeda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo bishii July la kulmay Al-Sisi, ayaa kullankaasi laga soo saaray in labada dal ay ku heshiiyeen in la taageero go’aanka Masar ka dhanka ah biyo xireenka Itoobiya dhisayso.

Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayday inay heshiiskaasi labada madaxweyne gaareen si kale u dhigto, hase ahaatee markii danbe Villa Somalia si cad u qeexday taageerada ay u muujisay Masar.

Dowladda Itoobiya ayaa iyadana ka carootay tallaabadaas, iyadoo uu kadib sii xumaaday xiriirka kala dhaxeeyay Somalia, waxaana ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu ka cudur daartay in dalkiisa booqdo Xasan Sheekh oo loo sheegay in xiliga uu codsaday booqashada Addis Ababa jadwalka ra’iisul wasaare Abiy uu buuxo, sidaasina uu ku baaqday Xasan Sheekh.

Labo maalin ka hor ayaa faallo laga sii daayay telefishinka ETV lagu weeraray dowladda federaalka iyo Xasan Sheekh, waxaase faalladaasi durbadiiba qoraal kasoo saartay wasaaradda arrimaha dibada Itoobiya iskana fogeysay isla markaana aysan sax aheyn, kana turjumeyn go’aanka dowladda Itoobiya.