Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa isku diyaarinaysa inay noqoto dalkii ugu horreeyay ee Afrikaan ah oo dayax-gacmeed ka rida dhulkiisa, waana horumar aan la filayn oo ku soo beegmaya xilli uu dalku weli ka soo kabanayo soddon sano oo dagaal sokeeye ah.
Iskaashigan hawada sare, oo ku kacaya $6 bilyan oo ay Soomaaliya la gashay Turkiga, ayaa imaanaya 13 sano kaddib aasaaskii dawladda federaalka, xilli gargaarka caalamiga ah ee dalka la siinayay intiisa badan uu diiradda saarayay amniga iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Hadda, waxaa xeebta Badweynta Hindiya ka socda dhismaha xarun dayax-gacmeedyada laga rido, iyadoo ridistii ugu horreysay la qorsheeyey dabayaaqada sannadka 2025.
“In dayax-gacmeed laga rido Soomaaliya oo uu hawada sare u baxo waa guul aad u weyn, oo qiimaheedu ka weyn yahay dhowr bilyan oo doollar,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlayay qorshahan.
Iskaashiga lala galay Turkiga ayaa ah mid ka mid ah maalgashiyadii shisheeye ee ugu ballaarnaa taariikhda Soomaaliya, wuxuuna astaan u yahay isbeddel weyn oo ku yimid mudnaanyada istaraatiijiyadeed ee labada dal, iyagoo uga faa’iidaysanaya fursaddan si ay u gaaraan horumar dhaqaale iyo mid saynis.
Faa’iidada juquraafi
Soomaaliya waxay ku taallaa goob istaraatiiji ah oo ku teedsan dhulbaraha, iyadoo dhulkeedu ku fidsan yahay dhinacyada waqooyi iyo koonfur. Dhinaca sayniska, goobtan juquraafiga ah ayaa ka dhigaysa mid ka mid ah meelaha ugu habboon caalamka ee gantaal laga ridi karo.
Gantaallada laga rido goobaha u dhow dhulbaraha waxay ka faa’iidaystaan xawaaraha sare ee wareegga dhulka – oo gaaraya qiyaastii 1,670 km/saacaddii – taasoo yaraynaysa shidaalka loo baahan yahay, isla markaana kordhinaysa culeyska xamuulka uu qaadi karo.
Goobta loo asteeyey, oo ballaceedu yahay 30×30 km kuna teedsan xeebta dheer ee Soomaaliya (tan ugu dheer qaaradda Afrika), ayaa sidoo kale bixinaysa marin furan oo dhinaca bari ah, kaasoo ka sarreeya Badweynta Hindiya.
Intaa waxaa dheer, cimilada Geeska Afrika oo inta badan deggan ayaa arrintan saacidaysa. Tani waxay xaqiijinaysaa in qaybaha gantaalka ee soo go’a ay si nabadgelyo ah ugu dhacaan meel ka fog deegaannada dadku deggan yihiin.
Isbahaysi guul-wadaag ah
Xaruntan laga dhisayo Soomaaliya waxay ka jawaabaysaa dhowr hadaf oo muhiim u ah qorshe-hawleedka 10-ka sano ee Turkiga ee barnaamijka hawada sare, kaasoo lagu dhawaaqay sannadkii 2021-kii.
Qorshahaas waxaa ka mid ah in dayaxa si toos ah loogu dego sannadka 2028-ka, in la sameeyo nidaam dayax-gacmeed oo goobaha lagu hago (Global Navigation Satellite System) oo u dhigma kan GPS-ka, iyo in la tijaabiyo gantaallada riddada dheer.
Goobtan ayaa Turkiga u suurta-gelinaysa inay helaan saldhig ay gantaallada ka ridaan oo ku yaalla meel u dhow dhulbaraha, kana madax bannaan saamaynta hawlgallada NATO. Tani waxay siinaysaa dabacsanaan siyaasadeed iyo awood ay ku tijaabiyaan qalabkooda militari, iyadoo ay weheliyaan ridista dayax-gacmeedyada rayidka ah.
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip ErdoÄŸan, ayaa la sheegay inuu warbixin dhiirigelin leh oo ku saabsan diyaargarowga saldhigga hawada sare ee Soomaaliya la wadaagay guddiga fulinta ee xisbigiisa talada haya ee AK Party, intii uu socday kulan gaar ah oo albaabadu u xirnaayeen.
Saraakiisha difaaca ee Turkiga ayaa tan iyo xilligaas xaqiijiyey in xaruntan loo adeegsan doono goob lagu tijaabiyo gantaallada riddada dheer, laguna taageerayo nidaamyada gantaallada ee Tayfun iyo Cenk, kuwaas oo loogu talagalay inay gaaraan bartilmaameedyo fog. Tani waxay ka dhigaysaa xarun naadir ah oo laba-adeegsi leh, looguna talagalay hawlaha hawada sare iyo kuwa difaacaba.
Dhinaca Soomaaliya, xaruntan waxay ballanqaadaysaa faa’iidooyin dhaqaale oo ballaaran, oo ay ku jiraan abuurista shaqooyin dhinacyada dhismaha, saadka, iyo culuumta sayniska, teknoolajiyadda, injineeriyadda iyo xisaabta (STEM).
Qodobbada heshiiska ee ku saabsan is-dhaafsiga teknoolajiyadda iyo barnaamijyada tababarrada ayaa looga gol leeyahay in lagu horumariyo khibradda gudaha ee dhinaca cirbixinta iyo warshadaha la xiriira.
“Waxaan aaminsanahay in faa’iidooyinka istaraatiijiyadeed ee muddada fog ee mashruucan ay aad uga miisaan culus yihiin faa’iidada dhaqaale ee degdegga ah. Faa’iidooyinka muddada fog ee mashruucani waa kuwo aad u ballaaran. Mashruucu wuxuu horseedi doonaa aqoon iyo hal-abuurnimo, isagoo abuuraya xirfado cusub, kobcinayana kartida dhallinyaradeenna, sidoo kalena abuuri doona shaqooyin,” ayuu yiri Madaxweyne Maxamuud.
“Qaybta udub-dhexaadka u ah heshiisku waa in la kobciyo aqoonta dhallinyarada Soomaaliyeed, si ay taasi gogol-xaar ugu noqoto soo bixidda warshado iyo adeegyo cusub.”
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay u ansixiyey mashruucan, taasoo muujinaysa taageero siyaasadeed oo ballaaran, inkastoo uu ku kacayo qarash dhan balaayiin doollar.
Saamaynta gobolka
Maalgashigan Turkiga ee Soomaaliya wuxuu qayb ka yahay ballaarinta istaraatiijiyaddooda ku aaddan hawlgelinta Afrika iyo saamayntooda sii kordhaysa ee qaaradda, taasoo ku dhisan mabda’a ‘guul-wadaagga’.
Joogitaanka Turkiga ee Geeska Afrika ayaa horay u kala duwanaa, oo isugu jiray tababarro militari, maamul dekedo, iyo bixinta gargaar bini’aadannimo. Hirgelinta xarun hawada sare laga dhiso Soomaaliya ayaa astaan u ah tallaabo weyn oo horumar ah iyo himilo ballaaran.
Tallaabadan, oo ka duwan kaalmadii horumarineed ee caadiga ahayd, waxay Turkiga ka dhigaysaa quwad caalami ah oo miisaan culus ku leh dhinacyada tiknoolajiyadda casriga ah iyo awoodda hawada sare.
Iyadoo uu dhismihii ka socdo goob aan la shaacin, labada dhinacba waxay si weyn ugu hamuun qabaan inay hiigsadaan cirka.
Labada dalba waxay si weyn ugu kalsoon yihiin iskaashigan u muuqda mid aan caadi ahayn. Soomaaliya waxay helaysaa tiknoolajiyad casri ah iyo kumanaan shaqo, halka Turkiguna uu helayo goob uu gantaallada ka rido oo ku taalla dhulbaraha, taasoo fulinaysa shuruudahooda istaraatiijiyadeed.
Waxaana sidaa ku bilaabmay tirsiga xilli cusub oo iskaashi ah.