Mashruuc Bankiga Adduunka ugu talo-galay Soomaaliya oo lacag badan lagu xaday

Washington (Caasimada Online) – Bankiga Adduunka ayaa liiska ku daray shirkad la talin oo Kenyan ah oo lagu magacaabo Africa Development Professional Group (ADP) kadib markii lagu helay dhaqan musuq-maasuq iyo qiyaameyn wen oo lagu lunsaday lacag boqolaal kun oo dollar ah.

Bankiga Adduunka ayaa tallaabadan qaaday kadib markii baaritaan ay sameysay qeybta la-dagaalanka musuq-maasuqa ee Bankiga Adduunka lagu ogaaday in shirkaddan fadhigeedu yahay Nairobi ay xatooyo ku samesay mashruuc uu Bankiga Adduunka maal-geliyey oo laga fuliyey Soomaaliya.

Bankiga Adduunka ayaa sheegay in in ADP iyo dhammaan hay’adaha ku xiran laga mamnuucay inay wax wada-shaqeyn ah la sameeyaan Bankiga Adduunka muddo 21 bilood ah.

“Mamnuucistan waxay ka dhigeysaa in ADP aanu ka qeyb qaadin karin mashruucyada uu maal-geliyo Bankiga Adduunka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed uu soo saaray Bankiga Adduunka. 

“Mashruuca Soomaaliya ayaa loogu talo-galay in lagu xoojiyo shaqaaleynta iyo awoodaha dowladeed ee qaar ka mid ah wasaaradaha iyo hay’adaha xudunta u ah in dowladda ay gudato waajibaadkeeda aas-aasiga ah.”

Bankiga Adduunka ma shaacin tirada rasmiga ah ee lacagta la tuhunsan yahay in la lunsaday.

“Ayada oo ay qeyb ka tahay heshiis lala gaaray, shirkadda waxay qiratay mas’uuliyadda dhaqankeeda, waxayna ogolaatay inay kasoo baxdo shuruudo u hoggaansamid, si looga qaado xayiraadda,” ayuu yiri Bankiga Adduunka.

Shirkadda ADP ayaa horey mashruucyo ula sameysay wasaarado ka mid ah kuwa dalalka Kenya, Gambia, Ghana iyo Rwanda, hase yeeshee waddanka kaliya ee lagu helay inay xatooyada ka sameysay waa Soomaaliya.