Daawo: Jeneraal Laba-Afle oo shaaciyey natiijada wada-hadal uu la galay Ahlu-Sunna

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Janeraal Aadan Abshir Nuur (Laba Afle) oo ka tirsan saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, isagoo shaaciyey natiijada wadahadalkii uu Ahlu-Sunna kula jiray 12-kii maalmood ee lasoo dhaafay.

Jeneraal Laba-Afle waxuu sheegay in isaga iyo saraakiishii la socotay ay soo wakiilatay dowladda dhexe ee Soomaaliya, sidoo kalena ay la tashadeen Madaxweynaha Galmudug, si loogu kala dab-qaado Ahlu-Sunna iyo Galmudug, sidaasna ay ku tageen deegaanka Bohol oo fariisin u ah Ahlu-Sunna.

Jeneraalka ayaa sheegay in hadda ay gacanta ka taageen dhexdhaxaadintii ay ka dhex wadeen Ahlu-Sunna iyo Galmudug,  kadib markii wax kasta oo xal ah uu diiday hoggaanka Ahlu-Sunna,  sida uu sheegay.

“Aniga iyo saraakiil igala tirsan dowladda dhexe waxaan ka soo tagnay Xamar, waxaan soo qoronay qodobo aan u arkeynay in lagu dhexdhaxaadin karo Ahlu-Sunna iyo Galmudug, waxaan Madaxtooyada ugu tagnay madaxweyne Qoor Qoor, qorshihii aan wadanay ayaan ka dhaadhicinay, waana nala qaatay, waxaan u gudubnay Bohol oo 12 maalmood aan ku sugneyn, wax natiijo ahna kama wadno,” ayuu yiri Jeneraal Laba-Afle.

Waxuu intaas ku sii daray, “Sheekh Shaakir waxaan ku dhahnay waxaa tabaneyso noo sheega, waxuu noo sheegay wax aan munaasab ahayn oo Galmudug aan ka suurta geleyn xiligaan, waxaan la wadaagay waxaan u wadnay, waana qaadan waayeen.”

Sidoo kale Jeneraal Laba-Afle oo aan toos u guda gelin waxyaabihii ay kala kulmeen Ahlu-Sunna ayaa ku gaabsaday in Sheekh Shaakir ay kala kulmeen hadal aan ka duwaneyn kii hoggaamiyaha Ahlu-Sunna Macalin Maxamuud oo wareysi uu siiyey BBC ku sheegay in Galmudug iyo dowladda dhexe ay wadahadal la gelayaan, iyagoo ah maamul buuxa oo ka jira deegaanka.

“12-kii maalmood ee lasoo dhaafay culumada waxaan kala hadleynay inaan la is dilin oo ay nabadda qaataan, warkeenu waa ku socon waayey, hada waxaan ku soo laabanay Dhuusamareeb, wixii amni ahna waxaan aaminsanahay in maamulka ka jira Galmudug uu masuul ka yahay, aniga qaraabo ahaan, sarkaal ahaan iyo ka dowlad ahaanba, wixii aan kala hadalnay Ahlu-Sunna waxba waa ku qaadan weysay,” ayuu yiri Jeneraal Laba-Afle.

Hoos ka daawo