R/W Rooble oo ka falceliyey warkii maanta kasoo baxay guddiga doorashooyinka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si weyn usoo dhaweeyay shaacinta jadwalka 9 kursi oo kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ee kasoo jeeda gobollada Waqooyi, taasi oo la qabanayo toddobaadkan gudihiisa.

Rooble ayaa guddiga doorashooyinka SEIT ee Somaliland uga mahadceliyay shaacinta jadwalka kuraastaa, isagoo ku amaanay doorka ay ka qaateen bilowga doorashada Golaha Shacabka.

Sidoo kale waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu markale faray madaxda dowlad goboleedyada inay bilaaban doorashada Golaha Shacabka, oo dhawaan si hordhac ah uga bilaabatay dalka, xili lasoo gebagabeeyay doorashadii Aqalka Sare.

“Waxaan ku boorrinayaa dhammaan dowlad-goboleedyada in ay bilaabaan doorashada Golaha Shacabka si doorashada xildhibaannadu noogu soo idlaato ka hor dhammaadka sanadka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Waxaa naga go’an fududeynta doorasho hufan oo nabdoon, taas oo nooga baahan iskaashi iyo in aan wadajir uga shaqeyno.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hore u sheegay sida ay lagama maarmaan u tahay in deg deg loo bilaabo doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka, lana soo gebagabeeyo ka hor dhammaadka sanadka.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa waxa uu Guddiga doorashooyinka heer federaal u dejiyay inay bilaabato 16-ka bishaan November, ayna soo dhamaato 24 December ee sanadkaan 2021-ka, xili doorashadii Aqalka Sare oo kuraasteeda ay koobnaayeen ay qaadatay bilooyin.