Mas’uul ka tirsan dowladda oo isu casilay cabsi uu ka qabo baaritaan masuq maasuq

Muqdisho (Caasimadda Online)– Xoghayihii joogtada wasaaradda gargaarka iyo maaraaynta Masiibooyinka, Maxamed Cumar Macalin ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay wasaaraddaasi, iyadoo maalmo kahor wasaaradaasi laga soo xiray agaasimihii waaxda dib u dejinta barakacayaasha Daahir Maxamed Nuur oo lagu soo eedeyay in lagu helay musuq maasuq.

Warqadda is casilaadda  ayaa la sheegay in uu agaasimuha ku sheegay inuu isku casilay duruufo adag oo u saamixi waayey inuu sii wato shaqadii uu u hayey wasaaradda iyo khilaaf kala dhaxeeya wasiirka.

Warar hoose ayaa sheegaya in xoghayaha iyo wasiirka wasaaradda Xamza Saciid Xamze uu khilaaf soo kala dhex galay iyo kala aragti duwanaansho isla markaana uu sidaasi isu casilay.

Dhawaan ayaa dowladda xabsiga dhigtay agaasimihii waaxda dib u dejinta barakacayaasha Daahir Maxamed Nuur oo lagu eedeeyay masuqmaasuq hanti dadweyne. Hase ahaatee lama oga in xoghayaha iscasilay arrintaan dabada la gashay ama saameysay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com