Askarta dowladda oo billaabay in dilaan masuuliyiinta (Halis cusub)

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah ilaalada Wasaarada Gaadiidka Xukuumada Soomaaliya, ayaa toogasho ku dilay Mas’uul ka tirsanaa Wasaarada kaasi oo magaciisa lagu sheegay Cabdi risaaq Cali Caanood.

Mas’uulkaani ayaa la sheegay in lagu dhex dilay Xafiiskiisa xili uu ku guda jiray howlmaalmeedkiisa.

Marxuumka iyo Askariga ayaa ku dhexmurmay xafiiska waxaana xigay dilka Mas’uulkaasi oo la sheegay inuu ahaa Qasnajigii Guud ee Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka.

Kiiska dilka ayaa waxaa sidoo kale loo xiray ilaa Lix Askari oo ka tirsan ilaalada Wasaaradda kuwaasi oo looga shakisan yahay in dilka ay wax ka maleegen.

Dilka Qasnajiga ayaa daba socda dilal dhowr ah oo ka dhaca magaalada Muqdisho mana jiro war arrintaani la xiriira oo kasoo baxay DF.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com