Banaanbax ka dhan ah arrintii uu Xasan kula kacay Ugaas Xasan

Beledweyne (Caasimada Online) – Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, maanta oo Talaado ah waxaa ka dhacay Banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Banaanbaxan oo ay soo qaban qaabiyeen qaar ka tirsan Bulshada ku nool magaalada Baledweyne ayaa waxa ay si weyn ugu taageerayeen Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Dadka Banaanbaxa dhigaayay ayaa sheegay Ugaas Xasan inuu yahay Ugaaska Reer Hiiraan, islamarkaana aanan la dafiri karin.

“Ugaas Wareegto laguma magacaabo Xasan Sheekh waxaan u sheegaynaa hadii Agaasime uu Wareegto ku magacaabo isaga ayuu u yahay Agaasime, laakiin anaga Ugaaskeena anaga dooranay wareegtana kuma dooran, waa in xaqii uu lahaa la siiyo.” Ayuu yiri mid ka mid ah dadkii Banaanbaxa ka qaybgalaayay.

Banaanbaxayaasha ayaa sheegay hadii Gobolka Hiiraan laga doonaayo soo xulid Xildhibaan inay qasab tahay in Ugaas Xasan lagu daro Liiska Odayaasha Dhaqanka ee soo xulaayo xubnaha cusub ee Baarlamaanka Somaliya.

Liiska 135 Oday ee soo xulaya Baarlamaanka cusub ee Somaliya ayaanan waxaa ku jirin Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, iyadoo bedelkiisa la geliyay Ugaas kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com