Sawir: Bac laga shakiyey oo arrin yaab leh ka abuurtay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qeyb kamid ah wadada Maka Al Mukarama ayaa waxaa xiray ciidamada booliska ee dowlada Soomaaliya, kadib markii wadadaasi lagu arkay bac yar oo laga shakiyay.

Ciidamada booliska iyo kuwo dowlada ayaa xiray wadada gaar ahaan inta u dhaxeyso isgoyska Shaqaalaha iyo Xaaji Basto, waxaana yaala bacda laga shakiyay.

Police-ka oo lagu soo wargelin arrinta ayaa iminka xiray. waxaa ay hakad geliyeen gaadiidka isticmaala wadada si ay u hubiyaan waxa bacda ku jira.

13565487_10208555628682049_316033274_n

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com