GALAYR oo ka hadlay weerarkii Naasa Hablood & Xiisada Sool

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Khatumo Prof Cali Khaliif Galeyr ayaa ka hadlay seddex arimood oo ay kamid yihiin weerarkii horel Naasa Hablood 1 ee magaalada Muqdisho, dagaalada Sool iyo xuska 26 June.

Cali Khaliif Galeyr, ayaa wuxuu ugu horeyn uu tacsi u diray dadkii ku dhintay weerarkii hotel Naasa Hablood one ee magaalada Muqdisho, wuxuuna ka sheekeeyay xasuusta uu u leeyahay Burci Maxamed Xamza oo ku dhintay weerarkii hotelka.

Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay dhibaatada dhanka amni ee ka taagan deegaanada koofureed ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan qaraxyada soo laalaabtay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay xiisadaha colaadeed ee ka taagan deegaanada gobolka Sool ee u dhaxeeyo beelo halkaasi wada daga.

Hoos ka dawo muuqaalka

https://www.youtube.com/watch?v=NxrY0KmRkEw&feature=youtu.be