Xog: Xasan oo si farsameysan u hantiyey xildhibaanada 2016-ka

Muqdisho (Caasimada Online)- Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil oo kamid ah xubnaha xildhibaanada ee mucaaradsan madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay odayaasha dhaqanka ee la doonaya iney soo xulaan baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xildhibaanada ugu badan uu geeyay booska oday dhaqameedyada madaxweynaha Soomaaliya oo doonaya danahiisa, wuxuuna sheegay in odayaashii dhintay lagu badalay odayaal aan reerahooda lagala tashan.

“Waxay iila muuqataa in si mugdi ah in wax loo sameeyo la rabo, haddaan soo qaato 135 Odayaal waxaa khaladaad ka dhaceen odayaal dhaqameedyadii geeriyoodeen bedel koodii, si aan daahfurneyn ayaa loo sameeyay oo Madaxweynaha dani ugu jirto, beelaha qaarkood oday dhaqameedkii ugu jiray sanadkii 2012 waa laga bedelay”. Ayuu yiri Xildhibaan Xoosh.

Wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamay in mid kamid ah ugaasyada kasoo jeeda gobolka Hiiraan oo maqaam wanagsan ku dhex leh bulshada inaan lagu soo darin liiska oday dhaqameedyada cusub.

“Dhinaca kale marka aan fiirinno Hiiraan Ugaas Xasan Ugaas oo maqaam weyn odayaasha ku leh inaan lagu darin khalad waaye, maadaama hadda isagii uu ugaaska yahay.” Sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Xoosh.

Odayaal dhaqameedyo kala duwan oo ku shirsan magaalada Muqdisho ayaa dhaliilay ugaasyada cusub ee lagu badalay oday dhaqameedyadii dhintay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com