Xog: Saraakiil sare oo xilalka laga qaadayo iyo Xasan oo qorshe…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Wasaarada Gaashandhiga Xukuumada Somalia ay wado qorsho lagu kala diraayo cutubyo ka tirsan ciidamada xooga dalka.

Ciidamada la kala diri doono ayaa la sheegay inay u badnaan doonaan kuwii ay diiwaan galisay Dowladii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed kuwaasi oo badi ah kuwo aan ku jirin liiska ciidamada xooga.

Qorshahaani ayaa waxaa isla wada Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Wasiirka Gaashandhiga dalka C/qaadir Sheekh Cali Diini, waxaana la filayaa in la hirgaliyo ka hor inta aysan doorashada dhicin.

Ciidamada loo qorsheeyay in la kala diro ayaa kor u dhaafaya 1,000 Askari kuwaasi oo dhowr bil aan la siin wax xuquuq ah, kadib markii mushaarkooda ay lunsatay DFS.

Ciidamadaani ayaa kasoo haray Saraakiil iyo Ciidamo shaqada laga eryay taariikhdu marka ay aheyd February 4, 2014, waxaana xiligaasi taliye ahaa Jen. Dahir Khaliif Cilmi ”Indho-Qarsho”.

Indho-Qarsho ayaa horay shaqada uga eryay 700 askari kuwaasi oo ilaa iyo iminka magacooda lagu qaato Mushaarka balse shaqo ahaan laga eryay Wasaarada Gaashandhiga.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada uu Madaxweynaha ka yahay Xassan Sheekh ayaa lagu xantaa inay ka dhex macaashto mushaaraadka yar ee ciidamada lasiiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com