Maxaa maanta ka cusub xiisada ka dhex oogan Puntland & Gallan?

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ayaa ka hadlay C/Xakiin Xaaji Cameey ayaa ka hadlay dhaqdhaqaaqa deegaanada gobolka Bari uu ka wado gudoomiyihii gobolka Bari C/samad Maxamed Gallan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa jeediyay hadal niyad jab ku ah saraakiisha iyo ciidamadii la dagaalamay gudoomiyaha gobolka Bari oo uu sheegay in looga wanaagsanaa dhanka dagaalka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ganacsatada iyo dadweynaha ku nool gobolka Bari ineysan si wanaagsan kaga qeyb qaadan dagaalka ka dhacay deegaanada Bari.

Dhinaca kale wuxu sheegay in xiisada ka dhalatay gadoodka Gallan wadahadal lagu dhameyn doono, oo ay mar walbaa wada hadlaan gudoomiyihii gobolka Bari C/Samad Maxamed Gallan.

“Dagaalkii dhawaan dhacay waa la idinkaga fiicnaa haddey cidan tahay, ama ganacsato tahay ama shacabkaba, tan kale Gallan iyo ruux kastaa oo tabasho qaba waa la qancinayaa, Gallan Telefoonkeyga wuu hayaa waana wadahadalnaa mar walbaa”ayuu yiri C/Xakiin Cameey.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Bari ayaa dhaqdhaqaaq ciidan ka wada deegaanada gobolka Bari, isagoo sheegay inuu doonayo inuu xukunka ka rido xogaanka Puntland oo kaliye taliye uu ku tilmaamay.

Caasimada Online|
Xafiiska Garowe
Caasimada@live.com