Xasan Sheekh oo ka aargutay 3 oday dhaqameed oo caan ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dhaqaaqay tallaabo aan hore loo arag kadib markii uu faragelin ku sameeyay liiska odayaasha dhaqanka dalka ugu sareeya ee leh saxiixa xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka, waxaana markii ugu horeysay uu ka reebay liiska Duubab caan ah oo isaga aysan isku fiicneyn.

Duubabka uu madaxweyne Xasan Sheekh ka reebay liiska odayaasha gaaraya 135-ta ee rasmiga ah oo fara badan waxaan kasoo qaadaneynaa saddex ka mida oo kala ah:

Duubabka-Xasan-Sheekh-diday

1 – Malaaq Cali Maxamed Wehiye – Malaaqan oo ah malaaqa Xamar iyo Xamardaye – waa duubka ugu weyn beelaha dega Muqdisho illaa Balcad, waxaana Madaxweynaha la sheegay inaysan isku wanaagsaneyn, taasoo keentay inuu booskiisa ku qoro oday dhaqameed hore uga mid ahaa liiskii hore, isla markaana uu Malaaqa guud ka reebo odayaasha.

2 – Ugaas Xasan Ugaas Khaliif – Ugaaska Beesha Xawaadle waxa uu ka mid yahay Duubabka waaweyn ee Xasan Sheekh uu ka reebay liiska odayaasha dhaqanka ee soo xulaya xildhibaanada Baarlamaanka 2016, waxaana tani loo aaneynayaa xurguf labada nin dhex martay, isagoo Ugaas Xasan si weyn uga hor yimid qorshihii Damjadiid ee dhismaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Inkastoo Ugaas Xasan uu xilka dhowaan la wareegay kadib geeridii walaalkiis Ugaas C/raxmaan, lana helin xilli lagu caleemo saaro, Beesha Xawaadle ma jirto cid kale oo ay isku raaci karaan, Ninka Booskaas uu Xasan Sheekh ku qorayna waxay u arkaan kala qeybin.

3 – Boqor C/llaahi Geedi Shadoor – Waa duub kale oo la caleemo saaray muddo dheerna ahaa Oday dhaqameed caan ah iyo siyaasi, laakiin waxaa liiskan looga reebay inuu aad uga horjeedo siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh kana hor yimid dhismihii maamulka Galmudug. Waxaana booskiisa ku jira Oday dhaqameed kale oo madaxweynaha raacsan.

Arrintan waxay si cad u muujineysaa in Madaxweyne Xasan Sheekh oo doonaya inuu mar kale xilka ku soo laabto ujeedkiisu yahay inuu isagu sameysto dadkii dib u soo dooran lahaa. Waxaa sidoo kale ay caddeyn u tahay aargudasho ka dhan odayaasha diiday siyaasadda Xasan Sheekh ee ka dhanka ah beelaha Muqdisho iyo Koonfurta Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com