Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Jubbaland oo lagu xanibay garoonka Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii laba jibaartay cadaadiska ay ku heyso Maamulka Jubbalanad, waxaana garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho lagu xayiray Agaasimayaal ka tirsan Maamulkaas.

Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxaa Galabta Garoonka lagu xayiray Agaasimayaasha Cadaaladda, Gaarsoorka, Waxbarashada iyo Dhalinyarada iyo Isboortiga ee Maamulka Jubbalanad.

Agaasimayaashaan oo muddooyinkii dambe ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa doonayey inay dib ugu laabtaan Magaalada Kismaayo balse sida aan xogta ku helnay waxaa loo sheegay inaysan aadi karin Kismaayo.

Diyaaradii ay raaci lahaayeen Agaasimayaasha ayaa Galabta ka tagtay, waxaana si cad loogu sheegay inaysan u safri karin Magaalada Kismaayo, waxayna arrintaan qeyb ka tahay cadaadiska lagu hayo Maamulka Axmed Madoobe oo Kismaayo ku qabsaday Doorasho aysan raali ka aheyn Dowladda Dhexe.

Cadaadiska lagu hayo Jubbaland ayaa sii badanayo tan iyo markii 31-kii August 2019 Garoonka Muqdisho lagu xiray Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan kaasoo lagu eedeeyey inuu galay dambiyo ka dhan ah Bini’aadanimada.

Dhawaan ayey aheyd markii Dowladda Soomaaliya ay joojisay dhammaan duulimaadyadii tagi jiray Magaalada Kismaayo inkastoo Shalay dib loo fasaxay, waxaana taas kasii horeysay Xayiraad la saaray Diyaaradihii tooska u tagi jiray Kismaayo oo lagu qasbay inay soo maraan Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa Dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay ku tumaneyso Sharciga isla markaasna ay si qaldan u adeegsaneyso awoodda Dowladnimada, wuxuuna sheegay inuu qaadan doono go’aano culus haddii aysan Dowladda Dhexe joojin cadaadiska ay ku heyso maamulkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com