Guddoomiye Iimaan Cadow Kaarshe oo aad ugu dhow Axmed Madoobe oo lagu qabtay garoonka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda naga soo raaya garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas lagu hayo guddoomiyaha degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo Iimaan Cadow Kaarshe, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo-wareedyo ku sugan garoonka.

Iimaan Cadow Kaarshe ayaa waxaa laga reebay diyaarad u socotay magaalada Garbahaarey oo uu garoonka ka raaci lahaa, waxaana u yimid ciidamada amniga oo siiyey warqad ay u ku qoran yihiin amaro sheegayo in laga doonayo saldhig ku yaalla garoonka.

Wararka ayaa sheegaya in Iimaan Cadow hadda lagu hayo laguna wareysanayo saldhiggaas, mana cadda waxa lagu haysto ee duulimaadka loogu reebay.

Iimaan Cadow Kaarshe ayaa ka mid ah xubnaha aadka ugu dhow madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, oo dowladda ay dagaal siyaasadeed xooggan kula jirto, waxaana ay u badan tahay in tani ay qeyb ka tahay dagaalkaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa 31-kii August 2019 waxay garoonka diyaaradaha Muqdisho ka qabatay wasiirka amniga Jubaland, kaasi oo lagu xiray magaalada Muqdisho wuxuuna illaa iyo hadda ku jira xabsiga hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya ee NISA.

Go’aankii ay dowladda Soomaaliya ugu qasabtay dhammaan duulimaadyada tegaya iyo kuwa kasoo baxay Kismaayo inay soo maraan Muqdisho, ayaa u sahlay in xubno badan oo ka mid ah maamulka Axmed Madoobe ay soo maraan Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com