Kumanaan ka tirsan ciidanka Saudi Arabia oo u gacan galay jabhadda Xuutiyiinta

Jeddah (Caasimada Online) – Jabhadda Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa shaaca ka qaaday inay nolosha ku qabteen kumanaan ka tirsan Ciidanka Sacuudiga, kaddib weerar xooggan ay ku qaadeen goob ku dhow xuduuda labada dal.

Afhayeen u hadlay Xutiyiinta ayaa BBC-da u sheegay in 3 guuto oo ka tirsan ciidamada Sacduudiga ay is dhiibeen.

Waxa uu sheegay in kumanaan ciidan la qabtay qaarkalana la dilay, hase yeeshee saraakisha Sacudiga weli ma aysan xaqiijin sheegashada Xutiyiinta.

”Howlgalkan ayaa ahaa kii ugu weynaa oo nooociisa ah tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhaxeeya Xutiyiinta iyo xulafada uu Sacuudiga hogaamiyo”, ayuu yiri afhayeenka.

Gaashaanle Yahiya Sarea ayaa sheegay in ciidamada Sacuudiga uu soo gaaray ”khasaare nafeed iyo mid hubka ah ahba”.

”Dhamaan ciidamada la qabtay ayaa waxay ka soo muuqan doonaan Telefishinka Al Masirah ee ay maamulaan Xutiyiinta”, ayuu yiri Yahiya Sarea.

Xutiyiinta ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen Weerarradii loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee 14-kii bishii Sebteembar lagu qaaday xarumaha saliidda ee Sacuudiga.

Haseyeeshee waddamada baritaara Sacuudiga ee Mareykanka, Faransiiska, Ingiriiska iyo Jarmalka ayaa weerardaasi ku eedeeyay inay ka dambeysay Iran, balse Iran ayaa beenisay eedeymahaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Jeddah
caasimada@live.com