Somaliland oo go’aan kama dambeys ah ka gaartay kiiska wariye COLDOON

Hargeysa (Caasimada Online) – Warar aanu helayno ayaa sheegay in Wariye Cabdi Maalika Muuse Coldoon maanta la horkeenay Maxkamada racfaanka Somaliland, taasi oo go’aan kama dambeysa ka gaareysay kiiska loo haysto wariyaha.

Coldoon ayaa maanta markii la horkeenay maxkamada, waxa dib loogu ayiday un xukunkii hore ee 3-sano iyo lixda bilood ahaa, kaasi oo hore loogu xukumay wariye Coldoon.

Waxa sidoo kale xusid mudan in aanay fadhiga maxkamada ee maanta aysan ka soo qeyb-galin qareenadii u doodayey wariye Coldoon iyo qoyskiisaba, kuwaasi oo hore uga qeyb gali jiray fadhiyadii hore.

Maxkamadan maanta la horkeenay Coldoon ayaa aheyn mid aan hore loo sii shaacin, isla markaana aysan ka warhayen qareenadii u doodi jirey wariyaha iyo qoyskiisaba.

Coldoon ayaa dhowaan waxa lagu soo eedeyay, isla markaan loo xukumay, gaf la sheegay in uu kula kacay Mas’uulka ugu sareeya Somaliland, Muuse Biixi iyo Iskuul lagu magacaabo Abaarso, oo ku yaala duleedka Hargeysa, kaasi oo gacanta ku hayaan shaqsiyaad u dhashay Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa