Fiqi oo reer Somaliland raali gelin ka siiyey sawirkii uu ‘ugu gefay’ FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) ―  Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa madaxda iyo bulshada reer Somaliland ka raali-geliyay talaabo uu ku kacay Madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu umada reer Somaliland uu maalmo murugo leh soo xasuusiyay kadib markii uu kulan uu la qaatay, isla markaana uu sawir la soo galay Korneyl Yuusuf Cabdi Cali oo loo yaqaano ‘Korneyl Tuke’.

Korneyl Tuke, oo ahaa Sarkaal horey uga tirsanaa ciidamadii miltariga ee Xukumaddii Maxamed Siyaad Barre, ayaa bilihii u dambeeyay waxa mar ku socotay dacwad uu ku soo oogey qof reer Somaliland ah oo lagu magacaabo Farxaan Taani Warfaa, kaasi oo sheegay inuu jirdil iyo toogasho u gaystay.

Fiqi ayaa gaf weyn u arka talaabadan uu qaaday madaxweyne Farmaajo, isagoona hoosta ka xariiqay in uu reer Somaliland dib u damqinayo sawirkaasi, oo uu ku sheegay in uu madaxweynuhu la soo galay shakhsi ku eedeysan xasuuq iyo dambiyo dagaal.

“Waxaan magaca umadda Soomaaliyeed raalli gelin uga siinayaa walaalaheen reer Somaliland oo Madaxweyne Farmaajo uu dib u damqiyey dareenkooda soona xasuusiyey maalmo murugo lahaa ka dib Markii uu sawir la soo galey shakhsi ku eedaysnaa dambiyo dagaal iyo xasuuq dad Soomaaliyeed” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhaleeceyn weyn kala kulmay baraha bulshada, sawirkaasi uu la soo galay Korneyl Tuke, kaasi oo dad badan u arkaan in uu Farmaajo dib u xan-xanteynayo boogaha dadkii uu xasuuqey kornaylku.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho