Xildhibaan Abuukaate oo su’aal ka keenay lacagtii uu Farmaajo ka sheegay USA

Muqdisho Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka tirsan golaha shacabka ayaa su’aalo ka keenay khudbaddii madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyay xafladdii uu xariga uga jarayay safaaradda Soomaaliya ee dalka Mareykanka, taas oo uu sheegay madaxweynuhu in ay dowladda Soomaaliya iibsatay dhismaha safaaradda

Xildhibaan Abuukaate ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu ku sheegay in madaxweynaha uu weydiin lahaa kharashii ku baxay duminta maamul goboleedyada dalka.

“Waxaan dhageystay Madaxwene Farmaajo oo qudbad kajeedinaayo xaflad Xariga looga jarayay dhisme ee Yeelaneeso Safaarada Somalia ee USA Taas uu ku Sheegay Inee  Lacagta Dhismahaas Lagugaday Uu ka keenay Lacagihii Raisalwasaarayaasha Lagu Ridi jiray oo uu Beeqaamiyay Taas Oo Keentay in Loo iibiyo safaarada Dhismahaas, waxaan weydiin lahaa Madaxweynaha Lacagihii Malaayiinta ahey oo uu Kubur biriyay maamul gobaleedyada Hirshabeelle,K/Galbeed,Puntland,Gobalka Banaadir, Galmudug, haddana Lagu Burburinaayo Jubbaland  iyo kuwa soo socdaba” ayuu ku yiri qoraalkiisa xildhibaanku.

“Hadaba Lacagaaas ayada Hadii la beeqaamin lahaaa Intee Dhisme ee Noo iibin laheyd Ama Adeeg Bulsho Noogu Qabsoomi Laheyd?”ayuu kusoo gaba gabeeyay su’aalihiisa Xildhibaanku.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
caasimada@live.com