Ciidamada Amisom oo qarax lagula eegtay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Africa ee AMISOM goor dhow lagula eegtay magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday kolonyo ay la socdeen ciidamadaasi, xilli ay marayeen agagaarka isgoyska Soos degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu haleelay mid ka mid ah gaadiidka ay wateen ciidamadaasi, kaas oo uu burbur xoogan soo gaaray.

Ilo deegaanka ah oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in qaraxa kadib ciidamada AMISOM ay fureen rasaas xoogan, taas oo ay ka dhalatay waxyeelo u badan dhaawac.

Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana dib u furmay dhaq dhaqaaqa waddada uu qaraxu ka dhacay.

Inta badan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda  ayaa qaraxyo lagu weeraray, xilliyada ay marayaan xaafadaha Soos iyo Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdihso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho