Xildhibaanada Galmudug oo ku dhowaaqay go’aan iyo tallaabo xasaasi ah.!!

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Xildhibaanada uu dhamaaday waqtigii xilheyntooda ee baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay dhawaan ku dhawaaqayaa kudlad ay ugu magacdareen badbaadada Galmudug.

Xubnahaan oo sheegay in ay kor u dhaafayaan 30 xildhibaan ayaa sheegay in wixii ka dambeeya Axada barito ay ku dhawaaqi doonaan gole badbaado oo ay sheegeen in ay ku badbaadinayaan maamulka Galmudug.

Xildhibaanadaas oo hadda ku sugan Dhuusamareeb ayaa ka cabanaya fara galin ay sheegeen in maamulkaas ay ku heyso dowladda federaaka Soomaaliya, oo adeegsaneysa xildhibaanada federaalka ee deegaan doorashadoodu tahay deegaanada Galmudug.

Maalmaha nasoo aadan ayey sheegeen xubnahaas in ay dooranayaan guddoomiye iyo ku-xigeen, waxaana hadda guddoomiye ku meel gaara u ah xildhibaan Shaacir Sheegow oo aad ugu dhaw hoggaamiyaasha Ahlu-Sunna oo uu ka mid ahaa xildhibaanadii ay kula biireen Galmudug.

Sidoo kale qaar ka mid ah xildhibaanada ku howlan dhismaha kudladaas ayaa Caasimada Online u sheegay in ay taageero buuxda ka heystaan hoggaanka Ahlu-Sunna gaar ahaan Macalin Maxamuud iyo Sheikh Shaakir.

Caasimada Online
Xaafiiska Dhuusamareeb
Caasimada@live.com