Cabdirashiid Janan oo lagu xiray garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Booliiska Soomaaliya ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku xiray wasiirka amniga Jubaland, Cabdirashiid Xasan Nuur Janan, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Cabdirashiid Janan ayaa waxa uu ka yimid deegaanka Doolow ee gobolka Gedo, waxaana uu ku socday magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya, isaga oo Muqdisho ka raaci lahaa diyaaradda Ethiopian Airlines, sida aan xogta ku helnay.

Go’aanka dowladda Soomaaliya ee ah in diyaarad kasta oo ka baxeysa ama tageysa Kismaayo ay soo marto Muqdisho ayaa Janan ku qasbay inuu Muqdisho yimaado, maadaama haddii uu tagi lahaa Kismaayo oo uu halkaas ka bixi lahaa uu sidoo kale ku qasbanaan lahaa inuu Muqdisho soo maro

Cabdirashiid Janan ayaa waxaa loo haystaa xadgudubyo lagu eedeeyey inuu horey uga gaystay gobolka Gedo, oo ay ka mid yihiin xasuuqa dad shacab ah, sida ku cad gal dacwadeed ka yiilay maxkamadda gobolka Banaadir.

Waxaa jirta dacwado ay horey ugu soo oogtay xeer ilaalinta qaranka oo la xiriirtay maxaabiis afar qof ah oo uu sanaddii 2015 ku dilay Doolow kadib markii uu xabsiga kala baxay, sida lagu eedeeyey. Hase yeeshee maxkamadda gobolka Banaadir ayaa baabi’isay dacwaddaas 30-kii April 2019, kadib markii sida la sheegay ay ka laabatay xeer ilaalinta.

Si kastana wararka ayaa sheegaya inay jiraan eedeymo kale oo loo haysto oo weli aan la caddeyn.

Hoos ka aqriso warkii aan ka qornay go’aanka maxkamadda

Maxkamada G/Banaadir oo go’aan ka gaartay dacwad ka dhan ahayd wasiir Janan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com