Masuuliyiin kormeer ku tegay dhismaha derbiga Balad-Xaawo, mase la joojiyey?

Balad-Xaawo (Caasimada Online) – Dadaallo lagu dhaqan-gelinayo go’aannadii Madaxda Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ee ku aadanaa joojinta dhismaha derbiga Balad-Xaawo ayaa socday maalmihii ugu dambeeyey.

Masuuliyiin ka socda labada dhinac ayaana lagu soo waramayaa inay ka shaqeynayeen dhaqan-gelinta go’aankii ay isla meeldhigeen labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumed Maxamed iyo Wafdi uu hogaaminayo, oo ay ku jiraan Maamullada Degmooyinka Mandheera  iyo Beled-Xaawo ayaa kormeeray Xadka ay wadaagaan Soomaaliya  iyo Kenya, wuxuuna ujeedkoodu ahaa inay u kuurgalaan dhaqangelinta go’aankii lagu joojinayey dhismaha derbiga Balad-Xaawo, go’aankaas oo si wadajir ah uga soo baxay Madaxweyneyaasha labada dal ee deriska ah.

Masuuliyiinta ayaa markii ay kusoo wareegeen labada dhinac ee dhismaha derbiga waxay u sheegeen bulshada degaanka iyo Warbaahinta in la dhaqan geliyey go’aannaddii madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya lana joojiyey dhismihii derbigaan muranka dhaliyey.

Wararka ayaa intaas ku daraya in lagu ballansan yahay kulan fool-ka-fool ah oo ay yeelan doonaan madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Kenya, si loo dhammeystiro heshiiskaan is-fahamka ah ee Xadka Balad-Xaawo.

Caasimada Online

Xafiiska Balad-Xaawo

Caasimada@live.com