Axmed Fiqi “Madaxweynuhu wuxuu dareemay in khatar dalku ku socdo”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa marka hore sheegay in kulankii Golaha Shacabka ee Maanta uu u baaqday fariin ka timid madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu dareemay khatarta dalka ku socday,isla markaana khilaafka jira uu yahay mid wixii ka yimaada aan la mahdin doonin.

 “Waxaa muuqata in madaxweynuhu dareemay muhiimada baaqyadii kala duwanaa ee loo diray iyo inuu dareemay khatarta dalku ku socdo, khilaafka jiraana uu saldhigan doono meel aan caaqibadeeda la mahdin doonin ayuur yiri Xildhibaan”

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ay si mas’uuliyad leh ay ugu soo baxeen xaaladda siyaasadeed ee dalka ka taagan, ayna ka turjumeen dareenkooda sida uu hadalka u dhigay.

“Xaaladda dalka ka taagan ma ahayn mid la daawan karo, mana ahan waxa socda wax laga raali noqon karo ciddii damiir leh, balse waxaa muhiim ah in la kala garto cidda dalkaan u naxaysa iyo kuwa manaxayaasha ah ee aan wax dan ah ka lahayn burbur ku yimaada hey’adaha dawladda”ayuu yiri Xildhibaanka.

Xildhibaan Fiqi ayaa ka mid ah xildhibaannada ka soo horjeeda mooshinka laga gudbiyey Gudoomiye Jawaari,isla markaana waxa uu sweyn u dhaliilaa hab dhaqanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.