Jawaari oo shaaciyay sababta ka danbeysay in la baajiyo kulanka Golaha Shacabka ee maanta

Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa goordhow magaalada Muqdisho kula hadlay warbaahinta kadib markii la hakiyay kulanka baarlamaanka ee maanta lagu madalsanaa.

Guddoomiye Jawaari ayaa ka hadlay sababta ka danbeysay in la hakiyo kulanka maanta, waxa uuna sheegay in hakinta ay ka danbeysay kadib markii leysla arkay in qabashada kulanka ay ka dhalankarto dhibaatooyin kala duwan.

Guddoomiye Jawaari, waxa uu sheegay in isaga iyo ku-xigeenadiisa ay kulan khaasa la qaaten Madaxweyne Farmaajo, isla markaana ay go’aan ku gaareen in xalka khilaafka uu ku jiro in la hakiyo kulanka maanta.

Waxaa uu sheegay Guddoomiye Jawaari in ay ku heshiiyeen in kulanka la baajiyo, waxa uuna cadeeyay in qabashada kulanka ay ka dhalankarto dhibaatooyin amni darro.

Waxa uu intaa ku daray Jawaari in la dhameyn doono Khilaafka ka dhex taagan Xildhibaanada Golaha Shacabka, isagoo sheegay in mushkilada jirta ay tahay isfahan’darro soo kala dhexgashay madaxda.

Haddalka Jawaari, ayaa kusoo beegmaaya xili uu Madaxweyne Farmaajo uu Guddoonka baarlamaanka ka dalbaday in la baajiyo kulanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com