Boorsaani oo si cajiiba uga hadlay Mooshinka Jawaari & dhibaatooyinka muuqda ee laga dhexli karo

Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani), ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Mooshinka laga wado Guddoomiye Jawaari ee khilaafka badan dhaliyay.

Booorsaani, ayaa sheegay in Madaxda ugu sareysa ee dalka ay dhaliilsanayaan dhibta ka dhalankarta Mooshinka, waxa uuna sheegay inay muhiim tahay in xili hore laga waantoobo Mooshinka iyo Khilaafka xiligaan taagan.

Boorsaani ayaa waxa laga xumado ku tilmaamay khilaafka soo kala dhex galay Guddoonka Golaha Shacabka Somalia, kaas oo curyaamiyey howlihii dowladda, waxa uuna cod dheer ku sheegay inuu hakat galay shaqooyinka dowlada.

Boorsaani khilaafkaan ayaa waxa uu sheegay in rajo wanaagsan laga qabay baarlamaanka Somalia basle aysan wanaagsaneyn in dhagaha Shacabka Soomaaliyeed ay wax xun ku soo dhacaan,taasina suurtagal aheyn in horay loo socdo.

Boorsaani ayaa intaa ku daray hadalkiisa in dhammaan Umadda Soomaaliyeed ay aad uga walwalsan yihiin sida ay wax u socdaan, waxa uuna ku baaqay in la dhammaan xal laga gaaro Mooshinka.

Madaxda ugu sareysa dalka ayuu ugu baaqay in xal kama danbeyn ah ay ka gaaran Mooshinka iyo Khilaafka, waxa uuna carab dhabay in Mooshinka uu dalka dib ugu celin doono burbur.

Sidoo kale, Somalia ayuu sheegay in xiligaan aysan u wanaagsaneen Khilaaf iyo Mooshin soo laalaabta, waxa uuna ku baaqay in la raadiyo xalka.

Haddalka Boorsaani ayaa kusoo beegmaaya xili Madaxweyne Farmaajo uu ku guuleystay hakinta kulanka maanta oo laga cabsi qabay inuu ka dhasho gacan ka hadal.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com