Sawir: Farmaajo oo kulan khaasa la qaatay Guddoonka Golaha Shacabka

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho kulan khaasa ku yeeshay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Guddoonka Golaha shacabka.

Kulanka oo ahaa mid xiisa gaara lahaa ayaa waxaa diirada lagu saaray sida lagu hakin lahaa kulanka maanta ay ku madalsanaayen Xildhibaanada, waxa uuna soo jeediyay Madaxweynaha in lagu raaco hakinta.

Madaxweyne Farmaajo, waxa uu guddoonka Golaha Shacabka u sheegay inaanu suuragal aheyn in iyagoo ay fiirsanayaan malaayiin shacab ah, ay hadana u dhaqmaan si ay ka muuqato mas’uul dari.

Madaxweyne Farmaajo, waxa uu Guddoonka u sheegay in Villa Somalia ay dhibsaneyso Khilaafka ceynkaan ah, waxa uuna cadeeyay in ahmiyada koowaad ay mudan tahay in la saaro xalinta Khilaafka.

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in ay muhiim tahay in xaaladda la dejiyo, islamarkaana Sharciga iyo kala dambeynta la ilaaliyo.

‘’Ma fiirsan karno in lagu dul murmo sharciga dalka, waxaan qabaa in xalka laga dhex raadiyo dhexdiina, waayo ma dhaceyso in khilaaf dhexdeena ah ay xaliyaan saaxiibada caalamka’’

Madaxweynuhu waxaa sidoo kale uu guud ahaan hakiyay kulankii maanta ee Golaha Shacabka oo cabsi badan laga qabay.

Sidoo kale, kulanka Madaxweynaha uu la qaatay Guddoonka Baarlamaanka ayaa sidoo kale waxaa joogay Guddoonka Aqalka Sare.

Geesta kale, kulamo gaargaar ah ayaa waxa uu maanta ka socdaa Xarunta Villa Somalia, waxaana la filayaa in mar kale xal loo raadiyo khilaafka ka dhashay Mooshinka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com