Madaxweyne Farmaajo oo dib-u-dhigay kulanka maanta ee Golaha Shacabka

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa la hakiyay  kulankii mudanayaasha  Golaha Shacabka  ee loo ballansanaa maanta,kadib soo jeedin ku timid madaxweynaah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Maanta oo Sabti ayaa waxaa lagu waday in xildhibaanada Golaha Shacabka ay kulan ku yeeshaan xarunta Golaha Shacabka,balse uu kulankaasi gebi ahaanba la hakiyay kadib soo jeedintaasi oo ka timid Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay tagi doonaan xarunta Golaha Shacabka, islamarkaana ay gudan doonaan waajinka Saaraan.

Khilaafka Siyaasadeed ee ka dhex taagan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xoogeysatay, maalmihii lasoo dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee, sababta loo hakiyay ayaa la sheegay inay tahay cabsi laga qabay in halkaa uu ka dhaco isku dhac iyo dagaal dhexmara Xildhibaanada iyo ciidamada Xarunta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com