Saadaasha howlaha dhex dhexaadinta Baarlamaanka iyo dadaalka Farmaajo  

Muqdisho (Caasimadda Online) – Proff Xuseen Axmed Maalin oo darajada PHD ka haysta cilmiga xalinta khilaafaadka oo ka faalooday go’aankii Madaxweynuhu uu ku hakiyay kulankii Baarlamaanka ee 31 Maarso ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu qaaday tallaabo aad u haboon oo muujinaysa sida uu ugu diyaarsan yahay in uu hormariyo dimuqraadiyadda iyo dib u heshiisiinta.

“Waxaan heysannaa Madaxweyne Masuul ah ee Maskaxdu ha shaqeyso oo Baarlamaanku ha ogaadaan masuuliyadooda haddii ay jiraan is faham darro dhextaalana si aan buuq lahayn Dastuurka iyo Xeer hoosaadka ha ugu dhammaystaan dooda ayuu yiri” Proff Maalin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadda xal u raadinaya Mashaakilka ka taagan baarlamaanka waxaana dadka Soomaaliyeed ku yaqaanaan in uu yahay Madaxweyne qalbii fiican oo si daacad ay ku jirto uga shaqeeya dib u heshiisiinta marka xaaladahaan oo kale dhacaan.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa taagnaa muran badan oo ka dhashay qaabka Mooshinka loo qaadayo waxaana xaaladdu sii adkaatay markii Xildhibaanada taageersan Guddoomiye Jawaari ay keeneen dood ah in Mooshinkii uu jabay, iyada oo dhinaca kale Xildhibaanada mooshinka keenay iyo Guddoomiye Kuxigeenka koowaadba ku adkeysteen in Mooshinka laga doodi doono oo Golaha la gayn doono.

Xaaladdu waxa ay ka sii dartay 24saac ee ugu dambeeyay oo warar badan oo is khilaafsan ay soo baxeen, dadka Soomaaliyeed ayayna arrintaasi galisay walwal badan iyaga oo aad uga cabsaday in waxa dhaawacaya qarannimada Soomaaliya ay meeshaas ka soo baxaan marka ay hal hool ku kulmaan Xildhibaano aan isku aragti ahayn oo haddana hanjabaad Warbaahinta isu mariyay, xalayna sidaas ayaa lagu seexday.

Dadka Soomaaliyeed ayaa  Saaka ku waabariisteen war ka duwan kii ay ku seexdeen, kadib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soosaaray baaq ah in maanta la hakiyo kulanka Baarlamaanka, baaqaasna waxaa aqbalay  Guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Waxaa bilaawday in dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u mahadceliyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyaga oo ku amaanay sida uu u maareeyay xaaladdii ka taagneed Baarlamaanka dhexdiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com