Faahfaahin qasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka  dhashay iska horimaad ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho-(Caasimadda Online) – Isku dhacyo u dhaxeeya Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay Xaafad ku taala degmada deyniile ee gobalka Banaadir waxaana ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in iska hor imaadkan uu yimid khilaaf ku saabsan dhul hore ay u lahayeen ciidamada xoogga dalka oo haatan ay dad deegaan ka dhigteen.

Dagaalka ayaa waxa uu kadhacay halka looyaqaan Xerada 77 ee ku taala degmada Dayniile waxa uuna dagaalka uu salka ku haayaa is qab qabsi dhuleed oo ka taagan Gudaha Xerada.

Iska hor imaadka ayaa la sheegay in ay ku dhintaan dad shacab iyo weliba qaar ka mid ah ciidamada dagaalamay, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay dad rayid ah rasaas wiifto ah ugu tagtay xaafado fog fog .

Ma jiro illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay dowlada iyada oo ay soo noqnoqdeen iskahorimaadyada u dhexeeya ciidamada dowlada kuwaasoo sababa in ay dad rayid ah wax ku noqdaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com