Masuuliyiinta DF oo laga qaadi la ‘yahay canshuurta shacabka ay dhiibaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka degmada Shangaani ee gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iney diideen bixinta canshuurka guryaha ay degen yihiin ee ku yaala degmadaasi.

Guddoomiyaha degmada Shangaani C/qaadir Maxamed C.qaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in waaxda canshuur qaadista degmada ay dhibaato badan ku qabaan madaxda dowladda ee degen degmadaasi.

Wuxuu sheegay in degmadaasi ay canshuur qaadista ka socotay tan iyo sanadkii 2015 oo si caadi ah looga bilaabay degmooyinka gobolka Banaadir, sida uu sheegay.

“Waxaa gobolka oo dhan ka socda bixinta Canshuurta guryaha, waxay bilaabatay 2015­kii, illaa hadda waa ay socotaa, waxaa lagu sameeyey dardargelin, Canshuurtaasi sanadkii hore dadka inta badan waa ay bixiyeen, dadka inta badanna waa la diiwaangeliyey”

“Lacagta la qaadayo dadka ayaa wax loogu qabtaa sida dhismaha laamiyada, haddii aan nahay maamulka degmada Shangaani waxaan dhibaato ku qabnaa mas’uuliyiinta dowladda, markii aan canshuurta qaadeyno caqabadda ugu adag waa mas’uuliyiinta dowladda ee deggan degmada oo ilaalada haysta oo aan albaabkooda la geli Karin”

“Markii la dhaho bixiya canshuurtana uu wejiga bedalayo diidayo inuu canshuurta bixiyo, waxaan ugu baaqeynaa mas’uuliyiinta dowladda ee deggan Shangaani iney bixiyaan canshuurta” ayuu yiri guddoomiyaha

Wuxuu ugu dambeyn sheegay in arintaan ay la wadaageen madaxda maamulka gobolka banaadir ayna ka warsugayaan go’aanka ay qaadanayaan madaxda maamulka gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com