Musharaxiinta Galmudug oo maanta heysta fursadii ugu danbeysay

Cadaado (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Cadaado ee Xarunta KMG Galmudug lagu soo afmeeri doonaa Isdiwaan Gelinta Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug.

Isdiwaan galinta Musharaxiinta ayaa magaalada Cadaado ka bilaabatay 1-4-2017, waxa uuna qorshuhu yahay in maanta lasoo afjaro.

Ilaa Afar Musharax ayaa la sheegay in ilaa iyo hadda ay isdiwaan galiyeen, waxaana la filayaa in maanta ay isdiwaan galin doonaan tirada Musharaxiinta ee harsan.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa ku sugan Musharaxiin aad u farabadan, waxaana soo baxaaya in qaarkood ay tanaasuleen.

Doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug, ayaa dhici doonta 10-Bishaan, waxaana ka qeybqaadan doona doorashada xubno ka tirsan Ahlusunna.

DFS ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay magaalada Cadaado u dirto Mas’uuliyiin indha in dheyn doona doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com