Baadariga Roman Catholic-ga oo ka badbaaday dil ay u qorsheysa Daacish

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Amaanka dalka Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay wiil dhalinyaro ah oo qorsheynaayay inuu dilo baadariga katooliga ee Pope Francis.

Wiilkaani oo lagu magacaabo Santos Colon, oo 15 sano jir ah ayaa sheegay in dilka ay ku dhiira galiyeen Kooxda ISIS ee dagaalka ba’an kawada dalalka Syri, Ciraaqa iyo dalal kale oo dhowr ah.

Santos Colon, ayaa ku nool magaalada New Jersey ee dalka Maraykanka, waxa uuna qorshihiisa ahaa in baadariga katooliga ee Pope Francis la dilo xili uu Khudbad jeedinaayay.

Waaxda Cadaalada Mareykanka ayaa sheegay in Santos Colon uu damcay inuu shaqaalaysiiyo kuwa meel fog wax ka shiisha in ay toogtaan baadariga oo markaasi ka khudbeenayay isu soo bax balaaran oo ka dhacayay magaalada Philadelphia.

Wiilkaani da’da yar ee lagu magacaabo Santos Colon, ayaa sidoo kale sheegay inuu qorsheeyay in goobta la dhigo waxyaalaha qarxa.

Waaxda FBI ayaa iminka baaritaan ku heysa Santos Colon oo la rumeysan yahay inay la shaqeeyaan Unugyo dhowr ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com