Jocob Zuma oo dhex maquuranaya jahwareerkii ugu adkaa ee aan horay loo arag

Nairobi (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka South Africa ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha dalkaasi lagu cadaadinaayo inuu iska casilo xilka.

Culeyska ugu badan ayaa waxa uu Madaxweynaha kaga imaanayaa dhinacyada Xisbiyada mucaaradka iyo Midowga ururrada shaqaalaha ee dalkaas.

Midowga ururrada shaqaalaha dalkaasi ayaa kamid ah ururada ugu awooda badan dalkaasi waxa uuna cadaadis ba’an ku hayaa Madaxweyne Jocob Zuma.

Madaxweyne Jocob Zuma ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu ka badan la’ yahay qoyskiisa, waxaana sidoo kale lagu tilmaamay in bilihii ugu danbeeyay uu bilaabay musuqmaasuq Hanti Qaran.

Bheki Ntshalintshali oo ah Xoghayaha guud ee Cosatu, ayaa sheegay in Madaxweyne Jocob Zuma uusan ahayn wixii iminka ka dambeeya qofkii ku haboonaa ee waddankaasi hogaamin lahaa.

Dadkii ka soo qeyb qaatay dagaalkii looga soo horjeeday midab takoorka ayaa sidoo kale ugu baaqay xisbiga haatan talada haya ee ANC in ay dib ugu yeeraan madaxweynaha.

Madaxweyne Jocob Zuma ayaa Afar maalin ka hor gudoomay dhambaal kaga imaaday QM iyo Midowga Africa kaa oo looga dalbanaayo inuu qaato go’aan aan ku laabasho laheyn ka hor inta uusan xaalad adag galin dalkiisa.

Madaxweyne Jocob Zuma ayaa wajahaya cambaareyn xoog leh ka dib markii uu shaqada ka ceyriyay Wasiirro tiro badan oo uu ka mid yahay Wasiirkii maaliyadda Pravin Gordhan oo aad loo xushmeeyo.

Geesta kale, Cadaadiska lagu hayo Madaxweyne Jocob Zuma, ayaa waxaa kaalin weyn ka qaadanaaya Dowlado shisheeye oo aad kaga soo horjeeda.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com