Qarax weyn oo ka dhacay Muqdisho iyo Khasaaro xoog leh oo ka dhashay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qarax weyn ayaa hadda ka dhacay Magaalada Muqdisho kaasoo laga maqlay inta badan Magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday maqaayad ku dhow Dugsiga Yaasiin Cusmaan, kaasoo ka soo hor-jeeda Xarunta Wasaaradda Dhalinyarada iyo isboortiga

Goob joogayaal ku sugan degmooyinka Shingaani iyo Boondheere ayaa sheegaya inay arkayeen qiic iyo uuro ka baxayay inta u dhaxeysa Xarunta wasaaradda Dhalinyarada iyo isboortiga iyo Dugsigii Yaasiin Cusmaan.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegayo in qaraxaan lala eegtay maqaayad dhawaan halkaas laga furay, waxaana halkaas usoo shaah doonto Shacabka Badan iyo ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya.

Waxaa lasoo sheegayaa inuu qaraxaas ka dhashay Khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac iyado ay hadda halkaas howlo gargaar ka wadaan baabuurta ambalaasta ee gargaarka.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaacmay ayaa waxay isugu jiraan Ciidamo ka tirsan Dowladda iyo dad shacabka ah oo maqaayad wax ka cunayey.

Maqaayadda waxaa u dhaw meel lagu iibiyo jaadka oo ay buuxeen ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya, waxaana halkaas ka dhacay Khasaaro aad u badan

La soco wixii kusoo kordha arrintaan iyo sawirada